13 qoys oo ka mid ah ehelada dadkii ku waxyooloobay qaraxyadii Zoobe 2 ayaa manta Hay’ada IHH Humanitarian Relief Foundation oo gacan ka heleesa Hay’ada masiibooyinka qaranka Soomaaliyeed la gaarsiiyay deeq mootooyin nooca loo yaqaan labo lugood.
Deeqdaan oo loogu talagalay dadkii qoosaskoodu ku waayay qaraxii Zoobe 2 in nolol maalmoodkooda ku soo saartaan
Deeqdaan oo uu goob joog ka ahaay safiirka dalka Turkiga Mehmet Yilmaz iyo madax kasocota Hay’ada masiibooyinka qaranka oo uu horkacayo Gudoomiyaha mudane Mohamud Mohamed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo kasocota Hay’ada IHH Humanitarian Relief Foundation Netherlands.
Gudoomiyaha Hay’ada masiibooyinka ayaa sheegay in dadkaan loo qeebiyay deeqdaan ka timid Hay’ada IHH Netherlan in ay kazoo xusheen dadkii ugu taagta darnaa ee waxyeeladu kazoo gaartay qaraxii Zoobe Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Turkiga ufadhiya soomaaliya mudane Mehmet Yilmaz oo sheegay in Turkigu uu garab taaganyahay Soomaaliya marwalba.
Abdi Farah Ali waa aabe ay kaga dhinteen masiibada Zoobe ka dhacday 2 wiil oo uu dhalay islamarkaana ay ifka kaga tageen 16 caruur ah
Abdi Farah Ali ayaa mahadnaq balaaran ujeediyay Hay’ada IHH iyo Hay’ada maiibooyinka qaranka Soomaaliyed isagoo sheegay in deeqdaan mootada ay wax weyn kusoo kordhindoonto qoyskiisa.