MUQDISHO(SONNA):- Ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha ayaa maanta oo Khamiis ah gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.
Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus.
Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.
Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.