Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa xarunta Safaarada UK ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Mashruuca Xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund)
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarinta xasilinta caasimada, sida dhismayaasha Xarumaha Maamulka Gobalka Banaadir, dayactirka waddooyinka, dib u heshiisiinta bulshada caasimada, dhismaha golaha deeganka iyo horumarinta caasimadda Muqdisho.
Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ku amaanay madaxa santuuqa horumarinta Dowlada Britain, tageerada ay siyaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanbulshada Gobalka Banaadir.