Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)
GudahaWararka

Safarka madaxweyne Xasan sheekh ee shirweynaha Iskaashiga Maraykanka iyo Afrika (Warbixin)

By SB
Last updated: December 15, 2022
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Maraykanka ayaa martigelinya madaxweyneyaasha 50 dal oo Afrika ah shirkan ayaa loogu magac daray Shirweynaha Maraykanka iyo Afrika iyadoo dal walba danihiisa gaarka ah iyo sidii uu wax ula qaybsan lahaa dalka maraykanka kusoo bandhigi doono madashan, ayey haddana madaxda Afrika waxay fursad u haystaan in ay si midaysan iskaashi siyaasaddeed iyo mid dhaqaale ugula heshiiyaan maraykanka taas oo faa’iidooyin badan u leh,iyadoo qorshaha Cusub ee maraykanka iyo xulufaddiisu ay ugu talo galeen dalalka Afrika sida jaantuuska lagu xusay ku baxayso lacag gaaraysa ilaa $600 boqol oo Bilyan,tan oo kor u qaadaysa dhaqaalaha Afrika iyo kaabayaasha dhismaha.

Shirkan ayaa Loogu talo galay in looga hadlo Siddeed qoddob ( 8 ) oo kala ah.

1- kobcinta ka qeybgal dhaqaale oo cusub.

2-horumarinta nabadda, amniga, iyo maamulka wanaagga.

3-taaba-gelinta nidaamka dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka.

4-in si wadajir ah looga shaqeeyo xoojinta amniga caafimaadka gobolka iyo kan caalamiga ah.

5- kor u qaadida sugnaanta cuntada.

6- wax ka qabashada dhibaatada cimilada Aduunka.

7- xoojinta xiriirka qurba-joogta iyo ka qaybgalka horumarinta dalalka.

8- horumarinta waxbarashada iyo hoggaanka dhalinyarada Afrika.

Soomaliya shirka iskaashiga Maraykanka iyo Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa shirkan uga qayb gelaya iyadoo durba madaxweynuhu bilaabay kulamadda muhiimka ah ee uu la qaadanayo Madaxda ugu saraysa Dowladda Maraykanka isagoo la wadaagay horumaradda la taaban karo ee laga gaaray Dowlad dhiska Soomaliya iyo Dagaalka lagaga xoraynayo dalka kooxaha Khawaariijta iyo sida kooxda khawaarijtu u burburisay kaabayaashii nolosha deegaannada laga xoreeyey intii ay xukumayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan doceed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield, isagoo la wadaagay guulaha laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta waxa uuna tilmaamay saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya ku yeelatay hawlgalka dib u xoreynta dalka isagoo sheegay in si naf hurnimo leh ay ciidamada Soomaaliyeed ku xoreeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan,Madaxweynaha ayaa ka rajeeyey diblumaasiyadda Maraykanka in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mudane Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo si wadajir ah loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolosha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

SONNA EDITOR.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xarunra Safaaradda kulan afur ah ugu sameeyay ku dhawaad 50 Safiir oo fadhigoodu yahay Nairobi.

Muqdisho:( SONNA) Kulanka waxaa ka qeybgalay Masโ€™uuliyiin ka tirsan Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, mas'uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo…

Wararka
March 16, 2025

Hawlgal ka dhacay Galgaduud oo koox Khawaarij ah oo lagu dilay, kuwa kalena lagu qabtay

Dhuusamareeb (SONNA): Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah,…

GudahaWararka
September 26, 2023

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Oo Magaalada Barakeysan ee Makah kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar.

Sacuudi Carabiya,(SONNA);-Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobowย  iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa kulan kala yeeshay magaaldda Barakeysan ee…

GudahaWararka
June 29, 2023

Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

Bacaadweyne(SONNA):-Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qayb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka…

GudahaWararka
November 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023