Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shirka amniga oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobolka, Taliyaha Hayโadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Hayโaddaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin xildhibaanada Golaha Shacabka.