Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedederaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle , ayaa ka warbixiyay shir looga hadlaayey dhammeystirka deyn cafinta dalka,kaas oo oo uu la qaatay Madaxda hey’adda Lacagta adduunka ee IMF.
โIskaashigeena ayaa keenaya natiijooyin xiriir oo wax ku ool ah oo aan la yeelano saaxiibadeena muhiimka ah ee gacanta weyn ka geystay isbadalka iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee Soomaaliyaโayuu yiri Dr.Beyle
Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle waxa uu ย sheegay in sidoo kale shirka uu la yeeshay madaxda IMF uu Gogol-Xaar u yahay kulan weyn oo lagu wado in uu qabsoomo bisha February ee soo socota,kaas oo ay yelan doonaan Soomaaliya iyo hayโadda lacagta aduunka ee IMF.
Shirkaasi u dhaxeeyay Wasiirka maaliyadda xukumadda fedederaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle iyoย saraakiisha hayโadda Lacagta aduunka ee IMF,waxaa kaloo looga hadlay ย dib u habyenta maaliyadda dalka iyo iskaashiaga labada dhinac.