SONNA (MUQDISHO)- Madasha Munaasabadda tartanka Doorashada xilka Guddoomiyaha Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa lagu qabtay gudaha hoolka shirarka ee Avisyoni, waxaana xilka isu soo taagay illaa saddex musharax oo mid ka mid ah dib uga laabtay tartanka markii loo oggolaaday jeedinta khudbadahooda ku saabsan waxqabadka iyo waayo aragnimadooda aqooneed si ay ugu tartamaan xilka Guddoomiyaha FEIT.
Munaasabadda oo si habsami leh looga soo shaqeeyay ayaa waxaa goob jog ka ahaa Warbaahinta madaxa banaan iyo tan dowladda, masโuuliyiin Xafiiska R/wasaaraha, Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Fiet, Ururka bulshada Rayidka, Masโuuliyiin ka socotay Guddiyada Doorashada heer Dowlad Goballeed ee SEIT, iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Qabanqaabada doorashada.
Abuukaate Mowliid, Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Dooradhooyinka ee FEIT kana mid ah Guddiga Qaban qaabada ayaa furay tartanka doorashada oo u tartamayeen Cabdiraxiin Cabdicasiis, iyo Muuse Geelle Yuusuf.
Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo helay 14 cod halka Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan uu helay 11 cod sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Doorashada.
Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan iyo Muuse Geelle Yuusuf oo ah Guddoomiyaha cusub ee doorashada ayaa labada hadallo mahadcelin ka jeediyay isagoo ballanqaaday dadaalka dhameystirka doorashada waqti yar.
Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Maxamed Ibraahim Bare ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha Cusub isagoo ugu baaqay wadashaqeyn iyo hufnaan shaqo.