Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay cafis gaar ah u fidiyeen madaxweynihii hore ee dalkaasi Park Geun-hye,ka dib markii dhowr sano ay u xirneyd arrimo la xiriira musuqmasuq.
Wasiirka cadaalada ayaa sheegtay in cafiska madaxwaynihii hore looga hadlay kulan laba maalmood qaatay oo guddiga dib u eegista cafiska ay yeesheen horaantii todobaadkan.
Park ayaa xabsiga loo taxaabay sanadkii 2017-kii, kadib markii xilka laga qaaday kadib fadeexad musuq-maasuq oo sababtay mudaaharaadyo bilo ah oo ka dhacay wadankaasi.
Cafiska haweeneydaan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay arrimo khuseeya horumarinta midnimada qaranka,iyadoo dalku uu wajahayo la tacaalidda cudurka coronavirus.