Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Shirka madasha-7aad ee garsoorayaasha oo maanta la soo xiray
    November 20, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah
    November 20, 2025
    Soomaaliya oo si weyn u Xustay 10-Sano Guuradii ka soo Wareegtay markii Soomaaliya ay Saxiixday Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC)
    November 20, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan loo abuuro”
    November 20, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
Reading: Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember
GudahaMaqaallada

Xuska Maalinta Ciidamada Boliiska ee 20-ka Disember

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
5 Min Read
Share

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.

Xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii gumeysigii Ingiriiska waxa uu aasaasay  ciidamo Somaaliyeed,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen askartii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada ka dhaca dhulka  baadiyaha ah ee ay sababaan beelaha.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkastoo ciidamo ka socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleen dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii waqtigaasi oo labada gobo ee woqooyi iyo konfur uu gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Mudadii Xoriyad gaarsiinta

 Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska.

Xilligii Xoriyadda (1960)

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqabadka Ciidanka Boliiska

 Ciidamada Boliiska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waajibaadka qaran ee ay u hayaan umadda waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,sidaa daraadeed,waxaa howlahooda ka mid ah 1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka.

 Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,20-ka Disember waa munaasabad qiimo leh oo ka tarjumeysa aasaaska ciidamada Boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,waxaana shacbiga Soomaaliyeed xilligaan ka muuqda sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Boolisku waa cududda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Xuquuqda SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada

Shirka 12-aad ee Hal-abuurka dunida ee xagga Waxbarashada (WISE),ayaa lagu wadaa 24-25 Noofambar lagu qabto…

November 21, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga caasimada

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan…

GudahaWararka
July 29, 2023

Wafdi ka socda Boliiska gaarka ah ee Turkiga oo maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, S/Guuto. Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Boliiska Soomaliya ayaa Garoonka…

GudahaWararka
May 24, 2023

Dowlada Itoobiya oo sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Magaaloyinka Bahira iyo Gondar.

MUQDISHO-(SONNA)-Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gondar ee ismaamulka…

GudahaWararka
November 14, 2020

Waa la soo gaaray xilligii dhamaaadka Khawaarijta (WARBIXIN)

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada…

GudahaMaqaallada
April 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023