Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah oo matalay Turkiga iyo dalalka Afrika.
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrinaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sareย Mudane Cabdullaahi Abokor Xaaji, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka beeraha, horumarinta arrimaha Bulshada iyo amniga.
Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika, iyaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalkeenna, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, waxaana fursadeheeda soojiidashada maalgashadeyaasha kor u qaadaya bardhaca juquraafiyadeed ee ay ku taallo, soo kabashada dhaqaale iyo amni ee dalkeenna, iyo khayraadka dihin ee ceegaaga badaha iyo berriga Soomaaliya.