Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay 20 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu manta ka dhacay bartamaha magaalada Basra ee koonfurta Dalka Ciraaq.
Guddoomiyaha degmada Basra, Asaad Al-Iidaani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay sababtay mooto laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Qaraxaasi oo ka dhacay kasoo horjeedka isbitaalka al-Jumhuuri ee bartamaha magaalada Basra,ma jirto cid sheegatay masโuuliyadda weerarkaasi.
Qaraxyada ayaa naadir ku ahaa magaalada Basra sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan tan iyo markii laga adkaaday kooxda Daacish sanadkii 2017-kii.