Maamulka wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa maanta MCH-ka deegaanka Cada-kibir ee gobolka Galgaduud gaarsiiyey deeq dawo ah oo loogu talagalay in wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee ka jira halkaasi.
Deeqdaan oo uu wasaaradda caafimaadka Galmudug wakiil uga ahaa Isuduwaha caafimaadka magaalada Cadaado Cabdi Xasan Cali,waxaa guddoomay Xirsi Kaariyeย Yarow oo ah madaxa MCH-kaasi iyo Gudoomiye ku xigeenka halkaasi Cabdikariin Axmed Dhagataag.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Cadakibir Cabdikariin Axmed Dhagataag ayaa codsaday in wasaaradda caafimaadka Galmudugba ay kala shaqeyso sidii deegaankaasi uu u heli lahaa Isbital rasmi ah.
Daawooyinka la gaarsiiyay deegaankaasi ayaa ah kuwo loogu talagalay in ay wax ka taraan cudurada shubanka, nafaqadarrida iyo cudurada neef mareenka.