Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Waa muhiim in la qaato tallooyinka bulshada ee kaabaya dastuurka (faallo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa muhiim in la qaato tallooyinka bulshada ee kaabaya dastuurka (faallo)
GudahaMaqaallada

Waa muhiim in la qaato tallooyinka bulshada ee kaabaya dastuurka (faallo)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
4 Min Read
Share

Marka laga yimaado dastuurka Eebe,ee loo jideeyay in lagu maamulo dunidan,waxaa jira nidaam sharci oo macmal ah ama ay sameeyaan aadaha,kaas oo shucuubta caalamka ay u adeegsadaan in lagu maareeyo nolosha,isla markaana lagu ilaaliyo dad,dal iyo maamul jira.

Datuurka Soomaaliya ee lagu saleeyay nidaamka federaalka ee aan qaadanay,wuxuu ogolaanayaa dhismaha Maamul Dowladnimo oo ka soo bilowda gunta hoose ama ka soo bilowday heer degmo illaa heer gobol ,kaas oo bulshadu wadaageyso dowlad dhexe ,dowlad goboleedyadana ay u madax bannaan yihiin maamulkooda hoose.

Haddaba,todobaadkaan waxaa la soo gabagabeeyay wareegii ugu dambeeyay ee wadatashiyada dadweynaha ee ku aadanaa geeddi -socodka dib -u -eegista dastuurka Soomaaliya, iyadoo xubnaha bulshadu ay fikirkooda ka dhiibteen arrimaha bulshada ee lagu qorayo qoraalka qabyada ah ee dastuurka, si loo ilaaliyo xuquuqda dadka muwaadinka ah.

Aragtida ku aadan dib u eegista dastuurka oo ay taageerayaan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM),waxa qayb ka ah dadaallada wacyigelinta ee ay wadaan Wasaaradda Dastuurka, si loo helo fikrado kala duwan oo lagu kabo ama lagu daro hannaanka dib -u -eegista ee hadda socda,iyadoo marna aan la khilaafeynin rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku kala baahsan gudaha dalka oo dhan

Howsha ugu badan ee lagu ururinaayo aragtiyada ku aaddan dib u eegista dastuurka cusub,waxaa wada Wasaaradda Arrimaha Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Dowlad Goboleedyada,waxaana maamuladaasi lagu qabtay kulamo wacyigalin ah oo dadweynuhu ay kaga doodayaan qoraalka qabyada ah ee dastuurka.

Mawduucyada muhiimka ah ee illaa hadda ay soo jeediyeen dadka ama ay ka dhiibteen fikirkooda waxaa ka mid ah tabashooyinka saameynaya bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan xuquuqda dadka naafada ah, caddaaladda, amniga, matalaad xaq ah oo loo siman yahay, awood-qaybsiga, xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada, qaybsiga kheyraadka iyo maqaamka Muqdisho.

“In ka badan boqolkiiba toddobaatan dadweynaha maanta waxay si fiican u fahmeen dastuurka marka loo eego afar sano ka hor, ”ayuu yiri Agaasimaha Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdikani Ali Adan.

Kulamada loo qorsheeyay dib u eegista dastuurka iyo jawaabaha ka soo baxaya fadhiyadaasi waxa ay u baahan yihiin in wacyigelinta la gaarsiiyo illaa heer degmo , tuulo iyo gobol,iyadoo bulshada loo soo bandhigayo horumarka ilaa hadda la gaaray, caqabadaha lala kulmay iyo habka loo marayo qoraalka dastuurka cusub ee soo bilowday sanadkii 2012-kii.

“Waxaan helnay aragtiyo, waxaan ka jawaabnay su’aalo, waxaan dadka la wadaagnay macluumaad afartii sano ee lasoo dhaafay,Waxaanna rajeyneynaa in dastuurkaan uu noqon doono mid miro dhal u ah dadka iyo dalka”ayuu yiri Agaasimaha wacyigelinta Wasaaradda Dastuurka.

Waxaa haboon in dastuurka cusubi uu noqdo mid aan dhibaatooyin u keeneyn shacbiga,isla markaana fududeeya in qofku meeshii uu doono uu ka heli karo adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha,lagana gudbo caqabadaha uu yeelan karo nidaamkaan iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa sharciyada iyo danta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waa muhiim in la tixgaliyo tallooyinka bulshada ee kaabaya dastuurka,sidaa daraadeed,waxaa qasab ah in la caddeeyo isbadal kasta oo ku yimaada dastuurka,si loogu hogaansamo waxa uu xambaarsan yahay nidaamkaas oo gabagabadii la imaan kara  isku duubni iyo horumar guud.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxa shaqaalaha dowladaha hoose Turkiga oo kawada hadlay iskaashi la xariira horumarinta magaalada Muqdisho.

SONNA (MUQDISHO)- Guddoomiye -xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir…

GudahaWararka
June 19, 2021

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane, Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo…

GudahaWararka
August 16, 2023

Gudigga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Gudigga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha oo kulan wadatashi ah la yeeshay Haweenka Soomaaliyeed,waxana diirrada lagu saaray sidii Haweenku…

GudahaWararka
December 25, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha,…

GudahaWararka
April 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023