Maamulka Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Afganistan ayaa maanta oo sabti ah ku baaqay in muwaadiniintooda ka jooga halkaasi ay si dhaqso ah uga baxaan dalkaasi.
Bayaan ay soo saareenayaa lagu yiriโ waxaan muwaadiniinta labada dal ย ee ku sugan dalka Afghanistaan ugu baaqeyna inay si deg deg ah uga baxaan dalka iyagoo raacaya duulimaayada ugu soo horeeyaโ.
Madaxda Safaaradahaasi ayaa intaas ku daray inay xaddidantahay caawinaadda ay bixini karaan safaaradaha sabab amni oo jira aawadeed,waxayna muwaadiniintooda kula taliyeen inay si dhaqso ah ugaย baxaan Afghanistan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu codsaday muwadiniinta jooga Afghansitaan inay la sooย xiriiraan safaaradaha si loo qorsheeyo amba bixidooda.
Dalka Afghanistaan waxaa bilihii ugu danbeeyay ka socday dagaal xoog leh oo u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Daalibaan kadib markii Mareykanka iyo xulafadiisu sheegeen inay kala baxayan ciidamadii ka joogay dalkaas