Wasaaradda Haweenka Galmudug, Mas’uuliyiiin ka socotay golaha Baarlamaanka Galmudug,ayaa maantta ka qeybgalay kulan lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb oo ujeedadiisu ahaa ka tashiga qoondada Haweenka ka soo galaya Galmudug labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka waxaa qeyb-ka ahaan xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha guddaha iyo federaalka qaar ka mid ah musharaxiin Haween ah oo Raadinaya kuraasta qaar iyo xubno ka socda guddiga maamulka doorashada ee Gollaha Baarlamaanka Galmudug.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Haweenka Galmudug, Maxamed Cali Alaale iyo qaar ka mid ah ka qayb galayaasha kulanka oo ugu horeyn ka hadley Furitaanka watashigaan guud ayaa soo jeediyay baaqyo la xiriira ilaalinta qoondada haweenka ee boqolkiiba sodon.
Xildhibaan Cibaado yuusuf Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha guddaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Axmed Xassan Cali -Axmed Dheere ayaa iyana booriyay dadaalkan lagu raadinayo xoojinta fursadaha siyaasadeed ee haweenka.
Ugu dambeyn waxaa kulanka soo gunaanadey wasiirka Haweenka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe oo baaq u dirtay madaxda Galmudug iyo guddiyada doorashada si loo hubiyo qoodada haweenka ee boqolkiiba sodonka ee labada Aqal ee barlamaanka.