Tiro badan oo askar ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhimatay shil diyaarad oo saaaka ka dhacay degmada Kajiado, oo qiyaastii 50- km, koonfur kaga beegan caasimada Nairobi .
War ka soo baxay Ciidanka Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in diyaaradda Helicopter-ka oo nuuceedu ahaa ย Mi 171e ay ku jirtay tababar,balse waxa ay ka gaabsadeen in ay wax ka sheegaan waxa sababay shilka diyaaraddaasi.
Warar ay sii daayeen warbaahinta Kenya ayaa tilmaamayay in ilaa 21 qof ay saarnaayeen diyaaraddaasi,hasa yeeshee ay ka badbaadeen afar ruux,sida laga soo xigtay markhaatiyaal goobjoog ah.