Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde iyo xubno kale oo ka socda beesha caalaamka ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.
Maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si wayn usoo dhaweeyay wafdiga.
Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay mashaariic horay qeyb kamid ah looga fuliyay gobalka, iyagoo sidoo kale tagay meelo kale oo ka mid ah magaalada Beledweyn una baahan in loo sameeyo biyo xireen.