Maamulka Dalka Jarmalku ayaa qirtay markii ugu horeysay taariikhda inuu xasuuq u geystey qoomiyadaha Herero iyo Nama ee ku dhaqan Dalka Namibiya ,xilli qarni ka hor uu dalkaasi ka waday arrimo la xiriira gumeysi.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jarmalka Heiko Maas ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “maanta laga bilaabo waxaan si rasmi ah u kala sooci doonaa dhacdooyinkaan sida ay yihiin anagoo ku egayna aragtida manta ee “xasuuqa”
Sidoo kale wasiirka ayaa soo dhaweynaya heshiiska aya gaareen labada dalka Jarmalka iyo Namibia ka dib wadahadalo adag oo socday in ka badan shan sano isla markaana xuddun u ahaa dhacdooyinkii dhacay xiligi gumeysigii Jarmalka (1884-1915) .
Wasiirka Arimaha Dibada ee Jarmalka ayaa tilmaamay in iyadoo laga duulayo mas’uuliyadda taariikheed Jarmalka uu qirtay, cafisna ay weydiisan doonaan eheladii dhibanayaasha ee uu soo gaaray xasuuqaasi ,isagoo ballan qaaday inuu Jarmalku uu lacag dhan 1.1 bilya ku taageeri doono dib u dhiska iyo horumarka kaabashaa dhaqaalaha dalka Namibiya.