Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Booliska oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
    December 18, 2025
    Wasiirka ganacsiga XFS oo caasimadda Shiinaha kaga qayb galay xuska 65-aad Xiriirka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha
    December 18, 2025
    Abaalmarin guddoonsiinta Saraakiisha horumarka sameeyey 2025
    December 18, 2025
    Wasiirka gaashaandhigga XFS oo si rasmi ah hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari ugu wareejiyey Uganda
    December 18, 2025
    Wasiirka Amniga iyo taliyaha Booliiska oo tababbar u soo xiray dufcada ciidanka daraawiishta
    December 18, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (warbixin)
GudahaMaqaallada

Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (warbixin)

By Kulane
Last updated: May 15, 2021
5 Min Read
Share

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa  waa  dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro (13) oo wax bartay,kuna mideysan Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka Umaadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran  oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Aasaasayaashii Ururka SYL

C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin Guddoomiye

Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaake

Maxamed Xirsi Nuur (Sayidiin)

Xaaji Maxamed Xussen Mahad

Cismaan Geedi Raage

Dheere Xaaji Dheere

Daahir Xaaji Cisman (Dhaga-weyne)

Cali Xaasan Maslax

Maxamed Cali Nuur,

Maxamed Faarax Hilowle

Maxamed cabdullahi Xayeesi

Huudoow Macalin Cabdullahi Saalax

Maxamed Cisman Baarbe Bardh

Dhinaca kale, Gobolada Woqooyi,waxaa xilliyadasi ka jiray dhaqdhaqaaq siyaasadeed  oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League),kuwaas oo u howlgalay dadaallo lagu raadinaayey midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii maamulkii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii dii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

15-a May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii  ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo soo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa Dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin ka qeyb qaadan kara difaaca dalka iyo soo celinta xasiloonida.

Haddaba,anagoo ka faa’ideysaneyna fursadda sanadguurada 78-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifiya noloshooda.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka Booliska oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska…

December 18, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ee matallaadda goleyaasha dowladda

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka…

GudahaWararka
October 14, 2023

Ra’iisul wasaaraha XFS oo afar wasaaradood ka guddoomay ballanqaadka qorshe howleedkooda 2023

MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka…

GudahaWararka
December 21, 2022

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdi uu hoggaaminay oo gaaray dalka Masar

Muqdisho(SONA);-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha…

GudahaWararka
November 12, 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga…

GudahaWararka
October 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023