Ciidamada Isra’eli ayaa saaka bilaabay cusbooneysiinta duqeymo xagga cirka ah ee lala beegsanaayo dadka reer Falastiin ee ku sugan Marink Gaza,iyagoo bartilmaamedsanaya goobo dhowr ah oo ay sheegeen in looga soo tuuray gantaallo.
Weeraradaan cusu ayaa imaanaya Xilli ugu yaraan 24 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan sagaal caruur ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo xalay ay fuliyeen ciidamada Israaiil.
In ka badan 700 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay Qudus iyo guud ahaan Daanta Galbeed ee la haysto 24-kii saac ee la soo dhaafay. ,xilli dadka ay ku jiraan cibaadada bisha Ramadaan.
Dhinaca kale, Madaxa Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit.ayaa sheeegay in weerarrada cirka ee Israa’iil ay ku qaadday Marinka Qaza ay yihiin mas’uuliyad darro iyo gumaad si barer ah loogu geystay dadka reer Falastiin.
Madaxa ,ayaa ku eedeeyay maamulka Isra’iil in ay mas’uul ka yihiin kororka halista bini’aadanimo ee ka jirta Qudus.isla markaana ay qaadi doonaan wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha weeraradaasi.
Madaxa Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit,wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka inay si deg deg ah wax uga qabtaan rabshadaha iyo dhibaatooyinka kale ee Israa’iil ay ka waddo Marinka Qaza .