Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY MADAXDA WARBAAHINTA GAARKA LOO LEEYAHA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY MADAXDA WARBAAHINTA GAARKA LOO LEEYAHA
Gudaha

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY MADAXDA WARBAAHINTA GAARKA LOO LEEYAHA

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 4, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA) May 4, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalkeennu uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.

“Anigoo magacayga ku hadlaya, waxaan rabaa inaan idiinku hambalyeeyo maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. Annagu waxaan aamminsan nahay in saxaafaddu ay xor noqoto, Sida aad idinku qirteen waxaa hubaal ah in xilligan la idiin la macaamilo si ka wanaagsan sidii hore. Waxaan idinku boorrinayaa in aad sii labo jibbaartaan dadaalkiinna idinka oo sawir qurux badan ka gudbinaya dalka, xoojinaya midnimada, waddaniyadda iyo dal jacaylka.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortago tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xusay shaqada wanaagsan ee ay Warbaahinta Soomaaliyeed u hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada, la dagaallanka afkaarta xagjirka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyadda.

DHAMMAAD

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyadeysay Geerida abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyadeysay geerida abaanduulihii guutada 18-aad…

GudahaWararka
January 6, 2024

Xubno Ka tirsan Guddiga Qaran ee Abaaraha oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Xubno Ka tirsan Guddiga Qaran ee Abaaraha iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa la kulmay Safiirka Turkiga…

GudahaWararka
February 3, 2022

Ciidanka xoogga dalka oo nawaaxiga degmada Waajid ku dilay 25 khawaarij ah

Waajid-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool…

GudahaWararka
July 25, 2023

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Nairobi-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wada hadlay…

GudahaWararka
May 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023