Afghanistan .(SONNA):- Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay maanta caasimadda Afghanistan ee Kabul.
Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in Blinkin uu la kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaas.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ย ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka laga soo saari doono Afghanistan bisha September ee sanadkaan.
Dowladda Afghanistan ayaa soo dhaweysay goโaanka Mareykanka, iyadoo ballan qaaday inay kala shaqeyn doonto Mareykanka dhameystirka qorshaha ciidamada looga saarayoย dalkeeda.