Masar.(SONNA):- Guddoomiyaha gobalka Asyuud ee dalka Masar Cisaam Sacad ayaa sheegay in dadka ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobalkaas ay gaarayaan 20 qof.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay 3 qof oo kale ku dhaawacmeeen shilka.
Gaariga shilka galay oo ah bas ayaa ka yimid magaalada Qaahira, wuxuuna kusii jeeday gobalada koofureed ee dalka Masar.
Dadkii ย dhaawacamay ayaa loo qaaday isbitaal si loo daweeyo, halka sidoo kale maydadkii laga qaaday goobta shilku ka dhacay.