Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed
Gudaha

Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: April 12, 2021
4 Min Read
Share

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta soo saaray qoraal la xiriira xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraalkaan ayaa ahaa sidatan:-

Waxaa sharaf weyn ii ah maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed. Iyaga oo si buuxda nabad-diidka ugala wareegay deegaanno badan oo ay horay ugu dhibaatayn jireen dadkeenna.

Guulaha aad ka soo hooyneysaan furimaha dagaalka iyo sida aad u wiiqdeen tabartii argagixisada waxa ay ku yimaadeen dadaal dheeri ah oo ay dowladdu ku bixisay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Runtii weli ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin waxaan si xooggan u sii amba qaadeynaa qorsheheenna qaran ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara amniga, xoreynta iyo difaaca dalka.

Dowladdu waxay sii xoojisay kor u qaadidda tababarrada Ciidanka, joogteynta iyo kordhinta mushaharkooda. Waxaa maanta guul ah in Ciidankeenna aan u sameynay diiwaan ciidannimo oo ay ku jiraan gal anshaxeedka, dallacsiintooda iyo hannaan maaliyadeed oo hufan oo ilaalinaya xuquuqdooda.

Mudanayaal iyo marwooyin.

Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu udub-dhexaad u yahay madaxbannaanida dalkeenna, dib u dhiska iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan dal horumarsan oo la jaanqaada dalalka kale ee Caalamka, dadkiisuna ay ku nool yihiin Barwaaqo, nabad Iyo xasillooni.

Tan iyo markaan bilownay dardar-gelinta Qorshaha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada waxaa heegan u galay, kuna biiray Ciidamada Xoogga Dalka kumannaan dhallinyaro ah oo si wadaniyad leh ugu istaagay samatabixinta iyo difaaca dalka, taas oo muujinaysa sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay xaqiijinta Qarannimadooda iyo difaaca karaamadooda.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo khubarada Ciidan ee dalkeenna ee u istaagay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa u mahadcelinayaa dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee nagu garab taagan qorshahaas qaran.

Dal aan lahayn ciidan Qaran oo awood leh, shacab iyo dowlad aan isku duubneyn ma difaacan karaan sharafkooda iyo masiirkooda, Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iideysto in aan mar kale shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan – dalka iyo dibaddiisaba – ka codsado in ay taageeraan geesiyaashooda u taagan difaaca dalka iyo cirib-tirka argagixisada.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu wuxuu marayaa marxalad adag. Waxaan kasoo kabanaynaa qaran-jabkii, waxaan u soconnaa inaan gaarno himilooyin waaweyn oo ay lagamamaarmaan tahay in dhammaanteen aan gacmaha is qabsanno.

Ugu danbeyntii, waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo in ay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, Aniga oo faraya Xukuumaddu in ay mudnaan buuxda siiso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen oo ah ammaano ay uga tageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in aan mudnaan gaar ah siinno halyeeyada u dhaawacmay ama u naafoobey difaaca dalka iyo halganka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool

Muqdisho(SONNA);-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee  (SoDMA) oo dadaal xooggan ku bixineysa yareynta saameynta taban ee ka dhalatay abaarta La-nina ee…

GudahaWararka
January 4, 2025

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐭𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya

Nairobi, Kenya:-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka…

GudahaWararka
July 14, 2025

Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray 150-askari

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar u soo xiray  dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland…

GudahaWararka
February 4, 2023

14 Sarkaal oo loo xiray Qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta mar uu ka jawaabayey waydiimaha Xildhibaanada Golaha Shacabka…

GudahaWararka
July 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023