Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan ciidamadu ay u geysteen kooxaha argagixisadaย oo weeraro fulaynimo ah ku soo qaaday Aw-dheegle iyo Bariire.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo Dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda ,dalkooda iyo diintooda
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajoย ย iyo Raysal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay Sida ay uga go’an tahay Dib-u-dhiska ,Tayeeynta iyo dhiiragalintaย CXDS.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dadaallo Xooggan oo lagu dhiiragalinayo CXDS ,isla markaana lagu wiiqayo argagixisada.