Ganacsatadda Xoolaha dhoofisa ayaa ku gacansayray lacago baad Kooxda Alshabaab ay ku sheegeen in neef kasta laga siiyo 18-doolar, taasoo haddii ay aqbalaan ganacsatada u keeni karta khasaaro xoog leh oo Maaliyadeed.
Ganacsade codkiisa iyo magaciisa In la shaaciyo ย diiday oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa u sheegay inaysan marnaba dhici doonin ayna ogolaan doonin inay ย qaybย ka noqdaan maalgalinta Kooxda Argagixisadda Alshabaab, Waxaana ay kudoodeeninay bixiyaan CanshuurtaDalka, taasoo waxtar u leh Dalka iyo dadka, balse aysan diyaar u ahayninay dhiibaan lacagtii lagu layn lahaa iyaga.
Kooxda Argagixisadda Alshabaab ayaa ku cadaadiya ganacsatadda dalka inay bixiyaan Lacago baad ah oo ay u isticmaalaan xasuuqa shacabka, balse ganacsatadda damiirkoodu noolyahay marna ma aqbalaan.
Dowladda Somalia ayaa si dhow ula socota meelaha ay suuragalka tahay inay Argagixisadu maalgalinta kahelaan, Waxaana jira Sharci uu Baarlamaanka meelmariyay oo qeexaya cidkasta ooย maalgalin siisa Argagixisadda in lala wareego hantidooda.