Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse
Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse

By Kulane
Last updated: March 11, 2021
6 Min Read
Share

Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abokor Dubbe ayaa manta ka qeyb galay aaska AUN Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wasiirku waxa uu ka waramay waxqasbadkii marxuumkaasiย  iyo dadaalkii uu u soo galay horumarka Boliiska,isagoo xusay in muddo 70-sano ah uu ku jiray howlaha ciidanka Boliiska,isla markaana uu Ka soo shaqeeyay xafiisyada qeybaha boliiska

Mudane Dubbe,waxa uu marxuum Axmed Jaamac Ilaah uga baryaey in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo ,eheladii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxyna samir iyo iimaan.

Taariikhdii Gen. Axmed Jaamac Muse (Wuxu Boolis ahaa 69 sanadood (1952 illaa 2021)

General Axmed Jaamac Muuse wuxu 1935 ku dhashay magaalada Cadan, ee Dalka Yemen. Aabihii Jaamac Muuse oo Reer Ceerigaabo ahaa ayaa magaala xeebeedka Xiis iyo Cadan u kala gooshi jirey. Axmed wuxu dugsiga quraanka ka galay Cadan waana halka uu kula kulmayo halgamaagii weynaa ee Sheekh Bashiir. Axmed markii uu dugsiga sare ka baxay wuxu galay dugsiga tababarka Booliska Cadmeed sanadkii 1952dii. Sidaas ayuu Gen. Axmed Jaamac ku noqday Booliska ugu daโ€™weyn Dhulka Soomaalida.

1957dii ayuu yimi Muqdisho, wuxu ka sheekayn jirey noloshii Muqdisho ee xiligaas oo ay ugu caansanayd maqaaxidii lambar 4 ku oolli jirtay ee Cabdilahi Cosoble ee digaaga laga cuni jirey. Sida uu Janaraalku nooga sheekeeyey xiligaa (1957) Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir waxa ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre isaga oo xukumi jirey Baraawe, Marka, Xamar illaa Jowhar maaddaama xiligaas Banaadir laโ€™ isku wada odhan jirey.

Dhinaca waxbarashada Axmed Jaamac wuxu wax ku soo bartay waddamada Maraykanka, Talyaaniga, Ingiriiska, Cadan iyo Ruushka. Waxaanu si fiican ugu hadli jirey luqadaha Carabiga, Ruushka, Talyaaniga, Englishka iyo Afkiisa Hooyo ee Soomaaliga. Jaamacadaha caanka ah ee uu ka qalin jebiyey waxa kamid ah kuliyadda Booliska Ingiriiska ee Hendon. Waxa kale oo takhasus ku saabsan dembi-baadhista mar labaad u tegey Ingiriiska. Intaa kaddib wuxu Booliska Cadan ka soo noqday taliyaha Taraafiga, taliyaha tababarada booliska iyo taliyaha CID da.

1967 ayuu Axmed Jaamac u soo wareegay Booliska Soomaaliya. Waxa ku dhiiri geliyey Gen. Maxamed Abshir Muse Taliyihii Booliska Soomaaliyeed oo 1954kii ay Cadan isku barteen. Gen Maxamed Abshir ayaana ku qanciyey in uu u soo wareego Booliska Soomaaliyeed, xiligaasna Yamanta Koonfureed aad ayay u qasnayd. Gen. Qoorsheel ayaa isaguna si weyn dalka ugu soo dhoweeyey. Janaral Axmed Jaamac waxa isla markii uu soo wareegayba laga dhigay Taliyaha Ciidanka CID-da Soomaaliyeed. 26kii October 2017-kii markii uu geeryooday General Maxamed Abshir maqaal baroor-diiq ah oo uu General Ahmed Jaamac ku sagootiyey saaxiibkii wuxu ku dheeraaday hoggaamintiisii toosnayd iyo aragtidiisii fogeyd. Waana Taliyihii dhisay buu yidhi inta badan xarumaha iyo guryaha Booliska.

General Axmed Jaamac markii uu yimi Xamar saraakiishii soo dhoweysay ee saaxiibtinimadoodu waartay waxa kamid ahaa Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo kamid ahaa saraakiishii sar sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, 12 sano ayay labada sarkaal ee Nuur iyo Axmed saaxiib iyo isku xafiis ahaayeen, Nuur Cadde isaguna wuxu isla xanuunkan Coronavirus-ka ugu geeryooday London sanadkii hore isla waqtigan oo kale. Gen. Axmed Jaamac mar kasta wuu ka sheekayn jirey aqoontii iyo akhlaaqdii wanaaagsanayd ee Nuur-cadde.

General Axmed Jaamac Muuse 1973dii ayaa 4 sanadood oo dambe loo diray Ruushka si uu u soo barto Boolisnimada, gaar ahaan dhinaca Hantiwadaaga. 1989kii ayaa loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Janaraalku toban sano kahor ayuu ka soo guuray Dalka Maraykanka si uu inta cimrigiisa ka hadhay ugu adeego shacabkiisa isaga oo ah askari boolis ah, illaa hadda oo cimrigiisu ahaa 87 sanona wuu shaqaynayey oo subax kasta 7da subaxnimo ayuu u shaqo tegeyay Taliska Guud ee Booliska oo uu mar madax ka ahaan jirey.

Gen. Axmed Jaamac wuxu ahaa askari, sarkaal iyo aabbe wanaagsan, sidoo kale wuxu ahaa Soomaali ay ku wayn tahay Soomaalinimadu (true patriot and unwavering soldier). Wuxu necbaa qabyaadda, dadka Soomaaliyeedna isugu mid bay ahaayeen, waana sababtaas sababta qof kasta oo Soomaali ah oo yaqaannay uu u jeclaa Janaral Axmed Jaamac.

17kii July 2019 ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u magacaabay xubin kamid ah guddida wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya. Guddidaas oo uu illaa hadda katirsanaa.

Ugu dambayn maanta ayaanu soo aasnay sarkaal Booliskii ugu daโ€™da weynaa uguna aqoonta badnaa dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Dardaaranadiisii ugu dambeeyey waxa kamid ahaa โ€˜4.5 ciidan qaran kuma dhismi karoโ€™ ciidan wuxu dhismi karaa marka loo dhiibo qofka ugu fiican ee shaqada qaban kara ee aqoonteedii, waaya aragnimadeedii, kartideedii iyo hoggaaminteedii lehโ€™โ€™

Ilaahay ha u naxariisto Janaral Axmed Jaamac Muuse

WQ: Cismaan Dubbe.Wasiirka Warfaafinta JFS

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Jaamacadda Carabta iyo Switzerland โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda…

GudahaWararka
January 18, 2021

NISA oo xaqiijisay in 82 khawaarij ah lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha hoose

Shabeellaha hoose(SONNA):-Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgallo duqeyn ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole…

GudahaWararka
March 21, 2025

Ciidanka Xoogga oo Jab Xooggan u geystay Argagixisada Alshabaab “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 27aad ayaa saaka ku jarmaaday Deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burde oo Argagaxisada ay ku…

GudahaWararka
July 29, 2021

Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay shir muhiim ah oo…

GudahaWararka
May 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023