Sadex gabdhood oo u shaqeynayay muuq-baahiye (TV) ka howlgala magaalada Jalalabaad ee dalka Afghanistan ayaa toogasho lagu dilay, waxa u muuqda hirar dilal ah oo qorsheysan.
Wararka ayaa sheegaya in gabdhaha la dilay da’dooda u dhexeysay 18 ilaa 20 sano jir, kuwaas oo lagu dilay labo dhacdo oo kala gaar gaar ah, balse u muuqda in isku meel laga soo qorsheeyay, sidoo kale mid affaraad ayaa dhaawac halis ah soo gaaray.
Agaasimaha Anikas TV, Zalmai Latifi ayaa sheegay in sadexda gabdhood ee la dil ay ahaayeen kuwo dhowaan uun ka soo qalin jabiyay dugsi sare,isla markaana ka shaqo bilaabay telefishinkaasi oo ah mid gaar ah .
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegtay in 10 gabdho oo saxafiyiin ah oo ka ka howlgalaan telefishinkaasi,affar kamid ah la dilay,waxaana ku jirta Malalai Maiwand oo la dilay bishii December.
Taliyaha booliiska gobolka Nangarhar Juma Gul Hemat ayaa wakaaladda AFP u sheegay in ay xireen hogaamiyaha dableyda xilli uu isku dayay in uu baxsado, isagoo intaas ku daray in ninka la hayo uu qirtay dilka sidoo kale ka tirsan yahay Taliban.
Afghanistaan waxaa ka socda dilal is dabo joog ah oo lagu bartilmaameedsado, saxafiyiinta, ololeeyeyaasha iyo siyaasiyiinta.