Raiisel wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dowladiisa aysan cabsi galin doonin xayiraadda ay Facebook ku soo rogtay daawashada iyo wadaaga wararka lagu daabaco bartaasi ee ay isticmaalaan dadweynaha dalkaasi.
R/Wasaaraha ayaa tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen Shirkadda Facebook ku tilmaamay mid la xiriirta kibir iyo niyad jab.
Tallaabada ay qaadday Shirkadda Facebook ayaa jawaab u ah sharci la doonayo in laga sameeyo Australia, kaas oo ka dhigaya in shirkadaha waaweyn ee teknolojiyaddu ay bixiyaan lacagaha ku baxa wararka.
Bogag ka mid ah kuwa caafimaadka dawladda, xaaladaha degdegga ah iyo bogag kale ayaa sidoo kale la xiray manta oo Khamiista ย ah ,iyadoo Shirkaddaasi ay markii dambe tallaabadaasi ay qaadeen ku tilmaamay in ay aheyd mid qalad ah.