Qaahira (SONNA)- Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri.
Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo sidokale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne Cabdel Fataax Al-Sisi.
Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doona xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo madaxda labada dal.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo sidokale Safiirka Safaaradda Soomaaliiya ee Masar.