Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlayay dadweyanaha Galmudug ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan ka hortaga fikirka xagjirka iyo kooxaha argagixisada ee caadeystay ka been sheegidda diinta islaamka.
Madaxweyne ,ayaa xusay in in hadda la joogo dhammaadkii kooxaha argagixisada ee caadeystay ku been abuurashada diinta suuban ee islaamka iyo daadinta dhiiggga dadka rayidka ah iyo kuwa u taagan ilaalinta qaranimada .
“Waa inay bulshada umidoobaan la dagaalanka argagixisada si aan uga adkaanno cadawga baneystay dhibaateynta dadka shacabka ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne qoor qoor.
Madaxweyne Qoor qoor waxa uu bulshada ugu baaqay inay umidoobaan la daagalanka argagxisada si looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan guud ahaan dalka.
Hadalkaan ayuu madaxweyne qoor qoor ka sheegay munaadabada caleemo saarka duqa degmada Galkacyo isagoo ka falcelinayay weerarkii argagixso ee lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee 18-kii bishaan ka dhacay magaalada Galkacyo