Maamulka Wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS oo kaashaneeysa Hay’adda UNICEF ayaa bilaawday biyo dhaamin loo sameeynaayo qoysas barakacayaal ah oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay.
Qoysaskan oo ku sugan gobolada Gedo, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir ayaa waxaa ay yihiin kuwa danyar ah oo aan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha DFS Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa sheegay in ay Wasaaradda sii wadi doonto caawinta dadaka duruufaha adag wajahaya ee ka bara kacay fatahaadaha wabiga iyo daadaka.
Ilaa 5,000 qoysas ah ayaa ka faa’iidaysanaya biyo dhaaminta oo hadda socotay muddo labba todobaad ah waxa ayna sii socon doontaa illaa 6 da Janaayo 2021.
Qoysaskaan oo baahi badan u qabay biyo nadiif ah ayaa u mahadcaliyay
Wasaaradda iyo UNICEF.