Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo hay’adaha dowladda faray inay shaqadooda ugu badan u weeciyaan gurmadka abaaraha
    February 4, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal cusub
    February 4, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Masuuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka
    February 4, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
    February 4, 2026
    Doorashada Guddoonka Guddiga xuquuqul Insaanka oo soo dhamaatay Guddoon cusub na dooratay
    February 4, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska

By Kulane
Last updated: December 9, 2020
2 Min Read
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hay’adaha dowladda faray inay shaqadooda ugu badan u weeciyaan gurmadka abaaraha

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka…

February 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kenya oo qorsheynaysa in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

Nairobi-(SONNA)-Dowladda Kenya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay midowga Afrika la billowdo wada hadallo ay Ciidankeeda uga saareyso…

CaalamkaWararka
March 4, 2020

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi -SONNA:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wali ku sugan Imaaraadka…

GudahaWararka
February 2, 2022

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir oo tababar Aqoon korosi ah u furay qaar kamid ah Shaqaalaha gobolka

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa daah-furay Tababar Aqoon kororsi oo sare loogu qaadaayo…

GudahaWararka
January 13, 2025

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Ceeragaabo (SONNA): Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daallo ee gobolka Sanaag gaar ahaan agagaarka deegaanka dhul beereedka loo yaqaan…

GudahaWararka
June 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023