Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Laamaha Amniga Muqdisho oo soo saaray warsaxaafadeed
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad
    August 14, 2025
    Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka
    August 14, 2025
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in la kala diro guddiga ka hortagga Burcad badeedka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 6, 2020
3 Min Read
Share

New-York-(SONNA)- Dowladda Soomaaliya ayaa golaha Ammaanka Qaramada midoobay u gudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga Burcad badeedka Soomaaliya, kadib markii aan saddaxdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diiwaan galin kiis afduub ee xeebaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedaxdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka, iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aan la araga isku day xataa.

โ€œSeddexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diiwaan galin kiis afduub Burcad badeed taasi badelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in laga maarmo guddiga, isla markaana loo baahan yahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo Seychelles, waana sababta dowladda soomaaliya ay u doonayso in meesha la taagan yahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baalle.

Danjiraha Qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle waxaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo joojin lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah oo Maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan lahayd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay u qaadi lahayd.

โ€œDowladda Soomaaliya waa ka goโ€™antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo Maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha badeenna iyo sidoo kale inay muujiso awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda badda Soomaaliya gaar ahaa burcad badeedda iyo kuwa kale ee sharcidarrada ah.

Danjire Abuukar Baalle waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sadexdii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dowladda Soomaaliya ay golaha amaanka Qaramada midoobay ka sugayso in la kala diro taa badalkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada ilaalada xeebadaha dalka .

โ€œWaxaan ku guulaysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray, waxaana taa badalkeeda doonaynaa inaan dib udhis ku samayno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeenna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baalle waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horaysa ay tahay in masuuliyadda ilaalinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq u leedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka ilaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbadย  ka jeediyay golaha amaanka Qaramada Midoobay oo looga hadlayay cusboonaysiinta hishiiska sanad kasta lagu cusboonaysiiyo howl-galka guddiga .

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Laamaha Amniga Muqdisho oo soo saaray warsaxaafadeed

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wadamada Khaliij-ka oo ku heshiiyey in la soo afmeero go’doominta Qatar

Riyaad (SONNA)- Waxaaa soo baxaya in guul wax ku ool ah laga gaaray wadaxaajood Maraykanku ku luglahaa oo la doonayey…

CaalamkaWararka
January 4, 2021

Siihayaha Safaaradda oo ka qayb galay kulan diimeedka 16aad ee soo qababqaabisay xarunta Towxiid Kampala

Kampala (SONNA):- Furitaankii shirwaynaha 16aad ee Markaz Al-Towxiid ee Magaalada Kampala ayaa waxaa ka qeybgalay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kampala…

GudahaWararka
December 26, 2023

Wasiir Fiqi oo soo xiray tababarka Safiirada cusub iyo saraakiisha diblomaasiyadeed

Muqdisho (SONNA):ย  Danjire Axmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda…

GudahaWararka
October 9, 2024

Shirka ka wada tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe+Sawirro

Garoowe-(SONNA)-Shirka ka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyoย maamul Goboleedyada Soomaaliya…

CaalamkaWararka
November 19, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023