Guud ahaan dalalka caalamka waxaa manta laga xusayaa munaasabadda maalinta caalamiga ah ee AIDS,taas oo ujeedada ka dambeysa ka ay tahay in dadka lagu baraarujiyo halista cudurkan,sida looga hortagi karo faafidda cudurkaasi iyo in la xusuusto dadka uu galaaftay ama uu dilay Aidsku.
12 malyuun oo qof kuwaas ayaa la nool cudurka HIV ,kuwaas oo ssn heysan daawo iyo daryeel caafimaad guud ahaan aduunka sida ay sheegtay qaramada midoobe.
Soomaaliya waxaa xafiiska WHO uu sheegay in ay ku yaalaan 16 xarumood oo daawooyin iyo talooyin dhanka caafimaadka iyo maskaxiyan ah ay ka helaan dadka xanuunka qaba.
Xafiiska UNICEF soomaaliya wuxuu sheegay in dadka la nool xanuunka aanay ku filneyn kaniiniga iyo talooyinka balse ay u baahanyihiin taageerida bulshada oo aan la faquuqin lagana qeyb galiyo shaqooyinka.
Sanadkaan waxaa aduunka mashquuliyay xaaladda feyraska Covid-19 sida ay heegtay qaramada midoobe ay.