Munaasabaad ay ka qeyb galey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Waxbarashaddamkuwa Jaamacadda Umadda iyo Howl wadeeno ka tirsan Howlgalka Midowga Yurub,isla markaana lagu shaacinaayey deeq waxbarasho oo laga helay wadamada Yurub ayaa manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Deeqdaan ii ay ka faa’ideysan doonaan ardayda iyo macalimiinta waxka dhiga jaamacad ,iyadoo mudadii ay socotay munaasabaddaan ay goobjoog ka ahaayeen Waalidiin iyo Ardayda Jaamacada.
Maxamed Subuul oo ah Wakiilka waxbarashada midowgo Yurub ee Soomaaliya oo Munaasabadan goob joog u ahaa ayaa sharaxaya deeqdan waxbarasho ee ay soo gaarsiiyeen Jaamacada Ummadda iyo sida looga Faa’idaysan karo.
Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa ka mahadcelshey deeqdan kaso gaartay dalalka Yurub waxa uuna Ardayda Jaamacadda ku booriyey iney ka faa’ideystaan.
Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” oo munaasabadan hadal ka jeediyey ayaa dardaaran gaara siiyey ardayda ka faa’idaysan doono koorsooyinkan waxbarasho .
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa ah Jaamacadda ugu faca weyn soomaaliya waxa ayna kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal