Madaxweynaha la doortay ee maraykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya in marka ugu horeysa ee uu la wareego xilka uu meesha ka saari doono xayiraadaha socdaalka ee Donald Trump saray in ka badan 10 dal, oo u badan waddamada muslimka ah.
Joe Biden wuxuu ballan qaaday inuu si deg deg ah u joojinayo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump ku soo rogay in ka badan toban dal.
Bishii Oktoobar, Biden waxaa kale oo uu ballan-qaaday inuu ku riixayo siyaasiyiinta sharciyo lagula dagaallamayo tirada sii kordheysa ee la xiriirta dambiyada nacaybka ah ee khuseeya Mareykanka.
Trump markii uu xafiiska qabtay waxa uu soo saaray amar fulin ah oo ka mamnuucaya toddobo dal oo dadkoodu u badan yihiin Muslimiin in ay soo galaan dalka Mareykanka.
Dalaka Soomaaliya,Liibiya,Iiraan,Suudaan,Yemenย iyo kuwo kale ayaa ka mid ah wadamada Mareykanku ku soo rogay xayiraadaha dhanka socdaalka ah.