Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda ayaa kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, isagoo booqday qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka. Isagoo xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay.
Ra’iisal Wasaaraha oo kormeerkiisu la xiriiray dar-dar-galinta howlaha shaqo yo habsami u socodka adeegyada garoonka Diyaaradaha Wuxuu halkaa mahadcelin uga jeediyay hawl-wadeennada ,isagoo kula dar-daarmay inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran ee saran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso,isla markaana ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka,bacdamaa ayuu yiri Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadayaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.