Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Qaramada Midoobay oo kaalmo lacag  ah u qorsheysay fatahaadaha Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Qaramada Midoobay oo kaalmo lacag  ah u qorsheysay fatahaadaha Soomaaliya
Wararka

Qaramada Midoobay oo kaalmo lacag  ah u qorsheysay fatahaadaha Soomaaliya

By Kulane
Last updated: October 15, 2020
2 Min Read
Share

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya uu heley US$9.26 million lagu caawin doono ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.

Deeqdan muhiimka ah ayaa qeyb  ka ah dhaqaalaha Sanduuqa ugu talagalay Soomaaliya sanadkan 2020.

Deeqdan waxaa la sii marin doonaa hey’addaha gudaha iyo kuwo dibadda ee ka howlgala gobolada Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida baahida ugu kala badan tahay degaanada.

“Deeqda ka timid Sanduuqa QM waxay hey’adaha gargaarka awood u siin doontaa in ay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka sida daran u saameysay fatahaadaha ka dhacay dalka,” sidaas waxaa yiri Mr. Adam Abdelmoula, oo ah isu duwaha gargaarka bani aadanimada Soomaaliya.

$8.18 milyan oo lacagtaas kamid ah waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

Iyadoo $1.08 million oo ah inta soo hartay ah, lagu qaban doono; caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta.

“Durba, bulshooyinka liita oo isbedelka cimilada, Ayaxa iyo safmarka COVID-19 uu saameeyay waxay wajahayaan cunto iyo biyo la’aan, sidoo kalena waxay khatar ugu jiraan cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo daacuunka,” Mr Abdelmoula ayuu mar kale yiri.

Sanduuqa gargaarka bani aadanimada QM ee Soomaaliya ayaa $40.2 million ka heley dalalka; Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada Koofureed, Luxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilli roobaadka deyrta oo ka bilowday gobolada dalka qaarkood sida degaanada Puntland iyo gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo markii 3-aad duqeysay Qaza kadib heshiiskii xabbad-joojinta

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo xagga cirka ah saaka oo Jimco ah ka geystay goobo ku yaal marinka Qaza…

Caalamka
July 2, 2021

Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan

SONNA (MUQDISHO)- Allaha u naxariiste waxaa daqiiqado kahor degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan…

GudahaWararka
January 22, 2022

Madaxweyne Lafta-gareen oo booqday Balli-doogle

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa manta gaaray Xerada Ciidanka Cirka…

GudahaWararka
October 28, 2021

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo booqday cisbitaalka Degmada Balcad

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Siraaji Sheikh Isaxaaq Cabdulle iyo xubno kale ayaa kormeer howled…

Gudaha
January 13, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023