Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha
Wararka

Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha

By Kulane
Last updated: October 15, 2020
4 Min Read
Share

wakiillo ka socda qaar ka mid ah dalaka daneeya arimaha Dalka Soomaaliya, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaajinta dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Hadaladaan ka soo yeeray wakiilada saaxiibada muhiimka la ah Soomaaliya ayaa yimid xilli ay Booqasho ku tageen Magaalada Beydhabo oo xarun ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

โ€œWaxaa na dhiirri-gelinayaa dib u soo nooleynta wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Tani waxaa ka mid ahaa shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb bilihii la soo dhaafay iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebtember oo intii lagu guda jiray lagu gaaray heshiiskii nooca doorashooyinkaโ€ ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxaan Madaxweyne Cabdicasiis uga mahadcelineynaa hoggaamintiisa ku aadaneyd marxalado badan ee geedi socodkan,โ€ ayuu raaciyay, isagoo ka hadlay shir jaraaโ€™id oo kooban oo uu ku qabtay caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo kadib kulan kooxeed uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed โ€˜Laftagareen.โ€™

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa socdaal ku tagay magaalada Baydhabo, isaga oo ay weheliyaan Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Urur-goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

Mudane Swan wuxuu hadalkiisa ku sheegay in natiijooyinka shirarkii Dhuusomareeb iyo Muqdisho ay muujiyeen waxa la gaari karo marka madaxda Soomaaliya ay isugu yimaadaan si is afgarad iyo wada shaqeyn leh.

Waxaan ku boorineynaa madaxda inay sii wadaan diyaar garowga loogu jiro doorashooyinka qaranka si ay u noqdaan kuwo ku saleysan daahfurnaan, cadaalad iyo u wada dhammaansho," ayaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Tani waxay khuseysaa dhammaan dhinacyada geeddi-socodka doorashooyinka, sida sameynta guddiyada doorashooyinka madax-bannaan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka.

Mudane Swan ayaa sidoo kale xusay ahmiyadda ay leedahay in la yeesho wada shaqayn dhow si loo xaqiijiyo amniga doorashooyinka, wuxuuna garwaaqsaday dadaalada maamulka Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aadan arrintan, inkastoo ay jirto khatarta joogtada ah ee Al Shabaab.

Saaxiibada ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey madaxda Soomaaliya inay iskaashigooda sii ballaadhiyaan dhinacyada kale, sida dib-u-eegista dastuurka iyo geeddi-socodka kale ee gacan ka geysan kara horumarinta arrimaha hortabinta u leh qaranka, dib-u-habeynta dimuqraadiyadda iyo xorriyadaha asaasiga ah, sida xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda.

Kuwani dhammaantood waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah nidaam dimoqraadiga ah ee nool oo u oggolaanaya in la maqlo codadka Soomaalida ayuu yiri Md. Swan, isaga oo intaa ku daray in Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo QM ay sii wadi doonaan garab istaagga shacabka Koonfur Galbeed iyagoo dhisanaya mustaqbal wanaagsan.

Dhanka dhaqaalaha, saaxiibada beesha caalamka ayaa qiray saameynta baโ€™an ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo sida uu u curyaamiyay kobaca dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhimadda ay ururinta dakhliga iyo maamul wanaagga u leeyihiin mustaqbalka horumarka

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyadda 1-da luuliyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho 1,Luuly ,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu…

GudahaWararka
July 1, 2024

Wadahadallo muhiim ah oo u bilowday Sacuudi Carabiya iyo Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Suriya Asaad Al-Shaibani iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan Dalka Sacuudi Carabiya,iyagoo wadahadallo lagu soo…

Caalamka
January 2, 2025

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO XAFLAD SOO DHAWEEYN LOOGU SAMEEYAY MAGAALADA XUDUR

Muqdisho(SONNA):-ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka…

GudahaWararka
December 14, 2022

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Muqdisho.(SONNA):- Hawlgalkan oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani…

GudahaWararka
January 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023