Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Mali, Bah Ndaw, ayaa ku dhawaaqay gole wasiiro oo ka kooban 25 xubnood,isla markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan militriga , kuwaas oo qaban doona. xilal muhiim ah.
Digreetada madaxweynaha oo laga akhriyay telefishinka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirada; gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta qaban doonaan saraakiil ka tirsan militiriga.
Madaxweyne Ndaw oo qudhiisa ahaa sarkaal ka tirsanaan jirey ciidanka cirka ayaa noqday dooqa koowaad saraakiisha afgembisay dowladdii madaxweyne Ibrahim Bobakar Keite bishii August ee sanadkan.
Magacaabista madaxweyne ee Ra’iisul wasaare rayid ah ayaa laga yaabaa in ay keento in urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS in ay qaadaan xayiraadii Mali ku soo rogeen ka dib afgembigii August.
Col Sadio Camara, oo kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay afgembiga ayaa noqon doona wasiirka difaaca, iyadoo afhayeenkii afgembiga Col-Maj Ismaël Wagué, loo magacaabay wasiirka dib u heshiisiinta qaran.
Jagooyinka muhiimka ah ee loo dhiibay rayidka waxaa kamid ah xeer ilaaliyihii hore Maxamed Sidda Dicko oo loo magacaabaay waaxda garsoorka.
Golaha wasiirada cusub affar dumar ah keli ah ayaa ku jira oo labo kamid ah ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa mucaaraddk ah ee M5 oo horkacayay banaan baxyadii xukunka looga tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.