Cudurka Fayras Corona ayaa galaaftay nolosha 940 kun oo qof oo daafaha dunida ku nool, tirada cudurkaan haleelayna waxay gaartay 30 milyan, sida ku cad warbixintii u dambaysay ee Jaamacadda Johns Hopkins soo sartay maanta oo khamiis ah.
Dalka Mareykanka ayaa ugu sareeya liiska wadamada uu sida aadka ah u saameeyay karona, waxaana u dhintay dad gaaraya 197,000 oo qof, halka tirada dadka cudurkaan qaba ay gaartay in ka badan 6.6 milyan.
Tirada dadka uu ku dhacay dalka Hindiya waxay kor u dhaaftay 5 milyan, illaa iyo haddana in ka badan 82 kun oo qof ayaa u dhimatay.
Dalka Brasil, oo kaalintaa seddexaad ku jira ayuu cudurku haleelay dad gaaraya 4.4 milyan, waxaana laga diiwaan geliyay inuu galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 134,000 ilaa iyo hada.
Dalalka Ruusha, Peru iyo Kolombiya ayaa iyaguna ku jira wadamada uu saa’id u saameeyay cudurka karoona.