Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar oo safar Isboorti ugu Amba-baxaya Magaalada Garowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland.
Munaasabad kooban oo muqdisho lagu qabatay ayaa waxa ka qeeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Md. Axmed Xasan Iimaan, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maxamed Axmed Cantoobo, Afhayeenka Gobolka, La-taliyeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir .
Munaasabaddaasi waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka socday Madaxtooyada Qaranka,waxayna u rajeeyeen ย Cayaartoyda iyo Madaxda naadigaba guul kulamada ay la ย ย cayaari doonaanย naadiyada ka dhisan Puntland.