Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jaamacadda Carabta oo ka gaabisay soo jeedinta  Falastiin ee cambaareynta Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Jaamacadda Carabta oo ka gaabisay soo jeedinta  Falastiin ee cambaareynta Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal
Wararka

Jaamacadda Carabta oo ka gaabisay soo jeedinta  Falastiin ee cambaareynta Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal

By Kulane
Last updated: September 10, 2020
3 Min Read
Share

Hogaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, laakiin waxay awoodi waayeen in ay xubnaha jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiisay bishii hore.

Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lahjaddooda ku aadan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal.

“Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro soo jeedinta Falastiin ,” sidaa waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha guud ee Jamacadda Hossam Zaki oo warfidiyeenka la hadlay.

Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay oo dal Carbeed uu la galo Yuhuudda muddo ka badan 20, wuxuuna abuurey hadal heyn badan guud ahaan dunida Muslimka.

Falastiiniyiinta ayaa aad ugu walaacsan in tallaabada Imaaraadka ay wiiqi karto qadiyadda Falastiin ee muddada dheer soo taagneyd- taas oo loo yaqaano hindisaha nabadda Carabta oo dhigaysa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulka ay xooga ku qabsaday dagaalkii 1967 isla markaana la yegleelo dowlad Falastiin leedahay .

“Waxaan weydiisanay in si cad oo aan la leex leexad laheyn loo cambaareeyo cid kasta oo jabisa hindisaha nabadda Carabta balse waan gaari waynay,” wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan al-Sacuud ayaa sheegay in Riyadh wali taageersan tahay hindisaha nabadda Carabta balse ma soo hadal qaadin heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Mareykanka, Isreal iyo Imaaraadka Carabta waxay madaxda Falastiin ugu baaqeen in ay dib u soo celiyaan wada xaajoodkii Isreal, la taliyaha sare ahna wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump Jared Kushner ayaa sheegay in Falastiiniyiintu looga baahan yahay in aysan ku dheganaanin wixii hore oo ay tahay waaqaca ay la noolaadaan.

Wasiir Maliki ayaa heshiiska Isreal iyo Imaaraadka Carabta ku sifeeyay mid lama filaan ah isla markaana dhul-gariir siyaasadeed ku ah Carabta, isagoo xusay in kulankii deg dega ahaa ee Jaamacadda Carabta fashil ku dhammaaday.

Laakiin wasiirku ma adeegsan ereyo adag oo ay kamid tahay ‘khiyaano’ taas oo madaxda Falastiin isticmaali jireen maalmihii hore ka dib heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Wasiiru dowlaha Imaaraadka Anwar Gargaash oo wareysi siiyay telefishinka al Carabiya  ayaa sheegay in luuqada dhaleeceynta iyo cambaareynta ay keentay heshiis la’aanta kulankii shalay.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israel oo dishay 12 ruux iyo Woqooyiga Gaza oo la geeyay gargaar

Ciidamada Israel ayaa woqooyiga Gaza ku dlay 12 ruux oo gargaar doon ah,xilli gawaari kolonyo ah oo sidday shixnad mucaawino…

Caalamka
March 17, 2024

Duqa Gaalkacyo oo kulan laqaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda NIS Foundation “SAWIRRO”

Gaalkacyo-(SONNA)-Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda NIS…

GudahaWararka
September 30, 2021

Angela Merkel oo Karantiil gashay

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa maanta oo Isniin ah gashay karantiil kadib markii Dhakhtar ay hore ula kulantay laga…

Wararka
March 23, 2020

Dable Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo lagu xukumay dil toogasho ah

Muqdisho (SONNA)-Maxkamad Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa go’aamisay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah…

GudahaWararkaWargayska
March 10, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023