Muqdisho.(SONNA)…Munaasabadan oo ahayd mid lagu dhaqan gelinayo Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed, laguna furayo Xafiiska Wararka Dowlada iyo warbaahinta Madaxa Banaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay sii hayaha Xlka R/Wasaaraha Dalka ahna ku xigeenka Reysul Wasaaraha,Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiir ku xigeenka Wasaarada, Xildhibaano iyo Suxufiyiin ka tirsan Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Warbaahinta Dowlada.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf (Al Cadaala) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa shaaca ka qaaday Marxaladaha uu Soo Maray Xeerkan iyo ahmiyada uu u leeyahay Warbaahinta Dalka.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu Xeerkani ka dhigayo Warbaahinta Dowlada mid u firay Qof waliba oo Soomaaliyeed halka ay markii hore ahayd warbaahinta Dowlada mid gudbisa Fariimaha Dowlada.
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada SOomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegau in Xeerkani uu yahay mid ilaalinaya Saxaafada oo aysan sahlaneyn inuu SHaqsi iska xiro Wariyaha uu Shaqadiisa ku jira.
Sii hayaha Xilka Reysul Wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Reysul Wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ku dhawaaqay inuu Xeerku dhaqan gal yahay ,isla markaasina furay Xafiiska Xiriirka Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Dowlada Soomaaliya.
Xeerkaan ,waxaa hotay u ย saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya ,waana ย mid soo naray Goleyaasha Dowladam kuwaasi oo meel mariyay.