Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFSMudane Maxamed C/lahi Salaad Oomaar iyo Maareeyaha heyadda duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan,ayaa manta ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee ka muuqda Maamulka Hawada iyo ahmiyadda ay u leedahay shacabka Soomaaliya .
Mas’uuliyiintaasi oo manta ka qeybgalay kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka,ayaa sheegay in mudadii dhwrka sano ee la soo dhaafay ay wax weyn ku soo kordheen Maamulka Hawada ,haddeey ahaan lahaayeen dhanka ,sharciyadda ,xagga qalabka ,barashada xirfadaha shaqaalaha iyo kuwo kale.
Wasiirka iyo Maareeyaha ,Waxa ay xuseen in Dowladda ay ammaan u tahay in xilligaan ay gacanta ku heyso maamulka duulista hawada,ka dib muddo dhowr iyo labaatan sano ah oo Qaramada Midoobay ay lahaayeen maamulka hawada Soomaaliya
Maxamed C/lahi Salaad Oomaar iyo Axmed Macalin Xasan ,Waxa ay Nasiib wanaag ku tilmaameen in shaqaaale soomaaliyeed oo aqoon sare leh ay hayaan howlaha duulista hawada,isla markaana ay diyaar u yihiin ogaanshaha waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya Dalka.
Madaxdaasi,waxa ay qireen in Lagu guuleystay in Xil la iska saaro bixinta Shahaadooyin la xiriirta badqabka Garoonka Diyaaradaha ,Caafimaadka diyaaradaha,kaas oo ay xaqiijiyeen in uu muhiiim u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFSMudane Maxamed C/lahi Salaad Oomaar iyo Maareeyaha heyadda duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan, waxa ay ka dhawaajiyeen in daqliga maamulka hawada uu ka muuqdo kororsiimo dhan 20%,sidaa daraadeedna ay rajeynayaan in muddooyinka soo socda ay gaarsiiyaan illaa 5-milyan,halkii uu ka ah 2-,ilyan