Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga dhuusamareeb uu ka duwan yahay kuwii hore isla markaana ay ka qeyb-gali doonaan guddoonka labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Wasiir Maareeya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ka qeyb-gali doonaan shirka Xisbiyadda dalka,Ururada bulshada rayidka iyo dowlad goboleedyada dalka si loo balaariyo wadatashiga masiirka dalka waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxo hadii ay ka duwan yihiin doorashadii an ansixyeen barlamaanka dib loogu soo celin doono galaha .
โWaa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu quseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay ayuu yiri wasiir maareeye.
15 bisha soo socota ayaa loo balansanyahay wajigi sedexaad ee shirka wadatashiga iyadoo ay ka qeyb-gali doonaan madaxda qaranka ,kuwa dowlada goboleedyada dalka bulshada Rayidka iyo Xisbiyad kaasi oo looga hadlayo marxalada kala guurka ee dalka sida arrimaha dootashooyinka 2020/201.