Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida
Wararka

UNDP oo bilaabeysa barnaamij samofal ah oo lagu caawinaayo dadka saboolka ah ee dunida

By Kulane
Last updated: July 23, 2020
7 Min Read
Share

Sida ay tibaaxday warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan oo sida ugu dhakhso badan loogu bilaabo dadka dunida ugu saboolsan, ayaa hoos u dhigi kara kor u kaca hadda jira ee xaaladaha COVID-19, maadaama uu barnaamijkaasi ku dhowaad saddex bilyan oo qof guryaha ku hayn doono.

Warbixinta oo loo bixiyay, Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan: oo lagu Badbaadinayo Dadka Saboolka ah iyo kuwa Nugul ee ku nool Dalalka soo Koraya, ayay warbixintu ku qiyaastay in bil kasta loo baahan doono lacag dhan $199 bilyan oo Doollar si dakhli asaasi ah oo muddo go’an socda loogu dammaanad qaado dad gaaraya 2.7 bilyan oo qof oo khadka saboolnimada ka hooseeya ama madaxa kala baxay oo ku kala nool 132 dal oo soo koraya.
Gunaanadka warbixnta waxaa lagu sheegay in tallaabadaani ay tahay mid s

uurogal ah oo si degdeg ah loogu baahan yahay iyadoo toddobaad kasta ay dad ka badan 1.6 malyan oo qof, oo u badan dalalka soo koraya ay la soo dhacaan xanuunka safmareenka ah, dalalkaasoo tobankii xoogsato ahba sagaal ka mid ahi ay noloshooda kala soo baxaan ilaha dhaqaale ee aan rasmiga ahayn, taas oo macneheedu yahay inaysan wax dakhli ah heli karin haddii ay guryohooda fariistaan.

Dadkaas tirada badan ee aan dalalkoodu barnaamijyada caymiska bulshada lahayn, waxay u badan yihiin xoogsato, dadka mushahaar yar ku shaqeeya, haween iyo dhallinyaro, qaxooti, dad socdaal ku yimid iyo dad naafo ah – dadkaasoo ah kuwa ay dhibaatadaani sida aadka ah u taabatay. UNDP waxay bilihii dhawrka ahaa ee la soo dhaafay qiimeyn ku sameysay raadadka dhaqan-dhaqaale ee COVID-19 uu ku yeeshay dalal 60 kor u dhaafaya, iyadoo natiijadii ka soo baxday ay muujisay in xoogsatada aan haysan caymis bulsho aysan gurigooda dakhli la’aan iska fadhiyi karin.

Dakhli Asaasi ah oo Muddo Go’an socda ayaa dadkaas siin doona awood ay cunto ku gataan oo ay kharashyada caafimaadka iyo waxbarashada isaga bixiyaan. Waxaa intaas dheer, in arrintaani ay dhaqaale ahaan suurogal tahay: Tussale ahaan, si loo bixiyo Dakhli Asaasi ah oo lix bilood ku Muddaysan, waxaa loo baahan doonaa oo kaliya boqolkiiba 12 ka mid ah miisaaniyadda guud ee sannadka 2020 loogu talogalay ka hortagga COVID-19, ama wax u dhigma saddex-meeloodow-meel lacagta ay tahay in dalalka soo koraya ay amaahda lagu leeyahay ka bixiyaan sannadka 2020.

“Waa baaq la soo saaray xilliyo aan iyagoo kale horay loo arag, oo wax looga qabanayo xaalado bulsho iyo kuwo dhaqaale oo aan horay dunida u soo marin. Waa qorshe la doortay oo Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan lagu siinayo dadka dunida ugu saboolsan. Dhawr bilood ka hor arrintaani waxay dadka ula muuqatay arrin aan suurogal ahayn” ayuu yiri Maamulaha UNDP, Achim Steiner.

Isagoo raaciyay “Taageerada maaliyadeed ee dawladdu bixiso iyo qorshayaasha kabista dhaqaaluhu waa inaysan ku koobnaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiyada waawayn oo kaliya. Dakhli Asaasi ah oo Muddaysani wuxuu dawladaha u oggolaan doonaa inay dadweynaha bandowga ku jira taakulayn dhaqaale u fidiyaan, oo lacag caddaan ah dhaqaalaha dalka ku fatahaan si ganacsiyada yaryari u badbaadaan, iyadoo isla markaas hoos loo dhigayo fiditaanka ba’an ee COVID-19.”

Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani xal mucjiso ah uma aha culayska dhaqaale ee xanuunka safmareenka ahi keenay, ee waxaa jira tallaabooyin kale oo dawladuhu ay qaadi karaan sida; badbaadinta shaqooyinka, kordhinta taageerada la siiyo shirkadaha yaryar, kuwa madaxa la soo kacaya iyo kuwa heerka dhexe iyo adeegsiga aaladaha casriga ah si loo aqoonsado oo loo gargaaro dadka la takooro.

Hab ka mid ah hababka ay dalalku u hirgelin karaan barnaaminka Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani wuxuu noqon karaa, iyadoo dalalku lacagtii ay sannadkaan adeegga amaahdooda ku bixin lahaayeen u leexiya barnaamijkaan. Sida ay sheegayso xog rasmi ah, dalalka soo koraya iyo kuwa dhaqaalohoodu madaxa la soo kacayo waxay amaahda lagu leeyahay sannadkaan ku bixin doonaan kharash gaaraya $3.1 tirilyan oo Doollar. Amaah bixinta oo gebi ahaanba laga joojiyo dhammaan dalalka soo koraya, sida uu ku baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa si ku meelgaar ah dalalkaas ugu oggolaan doonta inay dhaqaalahaas u weeciyaan tallaabooyinka lamahuraanka ah ee lagula tacaalayo raadadka taban ee ka dhashay mahadhada COVID-19.

Dhawr dal ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku hirgelinayaan Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysan. Dawladda Togo waxay barnaamij lacag xawilis ah, gargaar maaliyadeed oo ka badan $19.5 malyan oo Doollar si bille ah ugu qaybisay boqolkiiba 12 ka mid ah muwaadiniinta dalkaas, oo u badan haweenka ka shaqeeya ilaha dhaqaalaha ee aan rasmiga ahayn. Dawladda Spain waxay iyaduna hadda oggolaatay miisaaniyad bil kasta €250 malyan oo Yuuro lagu kabayo dakhliyada 850,000 qoys oo taag daran iyo 2.3 malyan oo dad kaligood nool ah si dakhliyada dadkaas loo soo gaarsiiyo heerka ugu hooseeya ee nolosha caadiga ah.

Xanuunka COVID-19 wuxuu kor u sii qaaday kala sarreyntii dadka ee heer caalami iyo heer qaranba, wuxuuna abuuray sii kala fogaansho si ba’an dadka taagta daran u saameysay. Iyadoo sannadkaan 2020 gudihiisa, ay ilaa 100 malyan oo qof oo kale u durkeen dhinaca saboolnimada aadka u daran, 1.4 bilyan oo carruur ahna ay saameysay xiristii iskuulladooda la xiray, shaqo la’aantuna ay xadkii ugu sarreysay gaartay, meheradihii dadweynuhuna meesha ay ka bexeen, ayay haddana UNDP saadaalinaysaa in horumarka insaanka (Human Development) ee caalamku uu sannadkaan markii ugu horreysay hoos u dhici doono, laga soo bilaaabo markii la allifay qiyaasidda horumarka insaanka.

Hay’adda UNDP waxay hoggaanka u haysaa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Qaramada Midoobay (UN) ugu talogashay ka soo kabashada COVID-19, waxayna hirgelisaa istaraatiijiyooyinka soo kabashada bulshooyinka iyo dhaqaalaha ee dalalka dunida oo dhan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho (SONNA); – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Diinta dowladda Jabuuti

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro  xukuumadda…

GudahaWararka
March 2, 2024

Hay’adda Lacagta Adduunka oo ku dhawaaqday hannaanka Taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafinayo deymaha

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha fulinta hay’adda lacagta Adduunka IMF, Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in hay’addoodu ay heshay lacag ku filan oo lagu bixin…

Wararka
February 27, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay…

GudahaWararka
March 13, 2023

Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira…

GudahaWararka
December 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023