Wasaaradaha Caafimaadka Xukuumadda Fadaraalka, ayaa maanta agab caafimaad oo loogu tala galay Ka hortaga Covid 19 gaarsiiyay Gobalka mudug kaas oo qeyb ka ah olalaha la dagaalanka faafitaanka xanuunka Covid 19 ee ay wado dowlada fadaraalka soomaaliya
Isku duwaha wasaarada caafimaadka Gobalka mudug Cabdi Maxamuud Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay madasha wareejinta agabkaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isagoona uga mahad celiyay midowga Yurub iyo wasaarada caafimaadka fadaraalka
Duqa Dagmada Galkacyo xirsi yuusuf barre iyo gudoomiyaha dagmada gobalka mudug ayaa iyaguna ka mahad celiyay iyagoona xusay in agabkaan uu kusoo beegmayo xilli walaac xoogan oo la xariira xanuunka Covid 19 uu ka jiro Gobalka mudug
Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka mudug maymuun Cali nuur iyo gudoomiyaha ururada Bulshada rayidkaa baashi Xasan erag ayaa oo ku hadlayay magaca Bulshada ayaa bogaadiyay talooboyinka dowlada fadaraalka soomaaliya ee ku aadan la dagaalanka faafitaanka Covid 19