Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY DADKA SOOMAALIYEED MUNAASABADDA CIIDDA SOONQAAD
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY DADKA SOOMAALIYEED MUNAASABADDA CIIDDA SOONQAAD
Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY DADKA SOOMAALIYEED MUNAASABADDA CIIDDA SOONQAAD

By Kulane
Last updated: May 23, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadkeenna, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed.

“Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan.

“Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirweynaha cilmibaarista caafimaadka guud ee Qaranka oo ka furmay Garowe+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Magaalada Garowe maanta waxaa ka furmay Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, kaas oo ay soo qaban…

GudahaWararka
January 30, 2022

Agaasimaha Cusub ee Isbitaalka Erdogan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Muqdisho

Muqdisho (SONNA):- Munaasabad lagu soo dhaweynayay Agaasimaha Cusub ee Isbitaalka Tababarka iyo Horumarinta Erdogan Mudane Maxamed Xuseen Ashraf ayaa lagu…

GudahaWararka
December 26, 2023

Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka Jarmalka ee geeska Afrika

Muqdisho  (SONNA): Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda FS mudane Cali Cumar (Cali Balcad) oo ay…

GudahaWararka
October 28, 2024

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO KULAN-SANNADEED KAGA QEYB GALAY DEEGAANKA CEELOOW

Warsheekh-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta deegaanka Ceeloow ee degmada Warsheekh kaga qeyb galay…

GudahaWararka
June 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023